19FA651F-521A-4E49-B8AE-675F42DF75DA.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe[Sawirro]

GAROOWE – Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland waxaa maanta soo gaaray Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi oo muddo kooban ka maqnaa Puntland.

Garoonka Diyaaradaha ee Gen Maxamed Abshir waxaa Wasiirka kusoo dhoweeyay Xildhibaano ka tirsan Golaha Baarlamaanka Puntland iyo Madaxda Wasaaradda Maaliyadda oo uu hoggaaminaayay Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Mudane Cumar Xasan Fiqi.

Wasiirka ayaa xildhibaanadii iyo Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee kusoo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha uga mahadceliyay soo dhowayntooda.

Xasan Shire Cabdi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa safar qaatay muddo ka badan tobon cisho ku aaday dalka Sweden dibna ugu soo laabtay Puntland.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland