FB_IMG_1538315737358.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo tababar u furay Shaqaalaha Wasaaradda(Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa furay tababar socon doona muddo 6-maalmood ah,tababarkakaas oo loo qabtay shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda, wuxuu ku saabsanyahay Hirgelinta Wajiga Labaad ee Barnaamujka Habka Maareynta Xogta Maaliyadda FMIS (Financial Management information System) qaybihiisa kala ah.

1. Fixed asset registration module
2. TIN (Tax Payer Identification Number)
3. Revenue Management System Modules

Wasiirka ayaa ku dheeraaday muhiimada uu leeyahay tababarkani isagoo kula dardaarmay shaqaalaha ‘’ in loo baahan yahay in laga faa’iideysto mudada uu tababarku socdo, madaama ay muhiimad gaar ah u leedahay Dowladda Diiwaan gelinta Hantida Ma guurtada ah (Fixed asset register) iyo Kor u qaadista Dakhliga (Revenue Mobilization).

Waxaa kaloo ka soo qayb galay furitaanka tababarka Wasiir kuxigeenka Dakhliga Mudane Caateeye, Agaasimaha kuxigeenka guud ee Dakhliga Mudane Xasan Cali Samatar, Xisaabiyaha guud ee DPL Mudane Cabdirisaaq Siciid Nuux iyo Kuxigeenkiisa Mudane Cali Jaamac Gaashaan iyo Masuuiyiin kale.

Waxaa sidoo kale Faah-faahin kooban ka jeediyey tababarka Xiriiryaha Barnaamujka PFM Mudane C.qaadir Ahmed Xaashi oo sharaxay muhiimada uu leeyahay tababarkani sidoo kale wuxuu xusan in ay soconayaan tababarada kor loogu qaadayo tayada iyo aqoonta shaqaalada Wasaaradda Maaliyadda ee DPL.

Waxaa tababarkan maalgelinaya Bankiga Aduunka, waxaana bixinaya tababarka khabiirka FMIS-ka Mr. Basel Albishtawi, waxaana ka soo qayb galay shaqaale ka kala socda Qaybaha EAFS, FMIS, Xafiiska Xisaabiyaha Guud, Waaxda Maamulka iyo Dakhliga.

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warbaahinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntland