55FA6D1E-8BCB-48A3-84D3-A5654A2ED24F.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Xafiiskiisa kusoo dhaweeyay Xildhibaan Mursal oo ka yimid Sweden[Sawirro]

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa Xafiisa Wasaaradda kulan Kula qaatay Mursal Ismail Ciise oo ah Xildhibaan ka tirsan Gollaha gobolka Dalarna ahna gudoomiyaha Hiddaha iyo Tacliinta gobolka Dalarna ee dalka Sweden.

Kulankaas oo ahaa mid muddo kooban qaatat ayaa looga wadahadlay xaaladda guud ee Puntland ,hawlaha kala duwan ee ay qabto Wasaaradda Maaliyadda iyo horumarinta dalka.

Intii uu kulankaasi socday wax yaabaha sida weyn looga wadahadlay waxaa kamid ahaa dadka reer Puntland ee wax bartay ee ku nool Sweden in ay Puntland yimaadaan si ay aqoontooda dalka iyo dadka ugu horumariyaan.

Xildhibaan Mursal Ismaaciil ayaa dhankiisa sheegay in ay wax badan la qaban doonaan Dawladda Puntland waxana uu Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi uga mahadceliyay sida ay Wasaaradda Maaliyadda ugu soo dhoweeyeen.

Waxaa xusid mudan kulanKan dhexmaray Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Cabdi iyo xildhibaan Mursal Ismaaciil Ciise waxaa ku weheliyay Siciid Cabdi Samatar Surcad oo ka mid ahaa Baarlamaankii hore ee Dawladda Puntland.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland