10.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Xariga ka jaray dhisme laga hirgeliyay W/Maaliyadda ee Boosaaso[Sawirro]

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa maanta xariga ka jaray dhisme cusub oo dib u dayactir ku sameysay Wasaaradda Maaliyadda ee xarunta magaalada Boosaaso.

Xafladda xarig-jarka ayaa waxaa Wasiirka kula weheliyay Wasiir dowlaha W/Maaliyadda Maxamuud Faarax Beeldaaje,Agaasimaha guud ee W/Maaliyadda Mudane Cabdirisaaq Maxamed Xasan,Agaasime Kuxigeenka guud ee Maamulka W/Maaliyadda Mudane Cali Jaamac Gaashaan iyo xubno kamid ah shaqaalaha W/Maaliyadda Puntland.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cabdirisaaq Maxamed Xasan ayaa ka sheekeeyay sida markii ay hore uu ahaa dhismaha hadda dib u dayactirka ay ku sameysay W/Maaliyadda Puntland.

…” Waad la socotaan sidey ahaan jirtay meeshaan taaganahay,waxay ahayad Xafiisyo aad isugu qariban biyuhu ay kusoo dareeraan,waxaana deganaan jiray Xafiiskan Miisaaniyadda,Xisaabaadka iyo Keydka Buuggaagta haddana waad u jeedaan sida ay u dhisan tahay qaabkeeda,waxaana arrintaas nagu guubaabiyay oo dhismaheeda hirgeliyay Wasiirka W/Maaliyadda ,waxaana fulisay shirkada Jibccon,waa wax aad loogu farxo weeye”ayuu yiri Mudane Cabdirisaaq.

…” Waxayna kamid tahay dhismayaashan iyo kuwa kale oo badan oo ka hirgelinayo gobolada bey kamid tahay ,waana horumar ay ku talaabsatay Wasaaradda Maaliyadda..” ayuu yiri mar kale Mudane Cabdirisaaq.

Wasiir dowlaha W/Maaliyadda Maxamuud Faarax Beeldaaje ayaa isna dhankiisa sheegay in maanta ay farxad weyn u tahay in dhismahan cusub ee maanta xariga ka jaro Wasiirka Maaliyadda Puntland.

..” Farxad weyn bey noo tahay iyo maamuus in maanta Wasiirku xariga ka jaro mashruucan cusub ee dhismahan hortiina ka muuqata runtii waxaa lagu fuliyay waa isku tashigii Puntland u ahaa hal-ku dhiga”ayuu yiri Mudane Maxamuud Faarax Beeldaaje.

Eng. Cabaas oo ku hadlay afka shirkadda dhistay dhismaha cusub ee Jibccon ayaa sheegay in uu u mahadcelinayo Madaxda Wasaaradda Maaliyadda oo uu sheegay in la’aantood aysan dhameeyeen dhismahan,wuxuu sheegay iney mar walba u taagan yihiin u shaqeynta Ummada Soomaaliyeed.

Agaasime Kuxigeenka guud ee Maamilka Mudane Cali Jaamac Gaashaan ayaa isna dhankiisa sheegay in dhismahan oo keliya aysan ku koobnayn balse ay Wasaaradu ay kuwa kale oo gobolada Puntland-na ku sameysay dayactir iyo dhisme labada.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe oo ugu dambeyn xariga ka jaray ayaa sheegay in dhismahan ay hirgelisay Wasaaradda Maaliyadda Puntland laguna daisy Isku-tashi dhanka W/Maaliyadda ah.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa sidoo kale xariga ka jaray xarunta Hanti-dhowrka guud ay ku shaqeyso ee Puntland taasoo ay Wasaaradda Maaliyadda dayactir ku sameysay ayaa mar kale ku celiyay in bulshadu bixiso cashuurta si qudhooda wax loogu qabto.

Osman Ahmed Isse
Madaxa Websiteka 
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland​
_
Xafiiska Wacyigelinta Iyo Warbaahinta