62542896_2268335526568651_1532641367132471296_n.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Xarunta Wasaaradda kusoo dhaweeyay Safiirka Hindiya ee Soomaaliya[Sawirro]

Safiirka dalka Hindiya u fadhiya Soomaaliya Rahul Chabbra iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho ku yimi Xarunta Wasaaradda Maaliyaddu ay ku leedahay caasimada Dawladda Puntland ee Garoowe.

Waftigan waxaa Xarunta Wasaaradda kusoo dhoweeyay Wasiirka Maaliyadda Mudane Xasan Shire,Wasiirku Xigeenkii Maaliyadda Eng. Cumar Xasan Fiqi,Wasiirku xigeenka dakhliga iyo Agaasimayaasha Wasaaradda Maaliyadda.

Safiirka dalka Hindiya u fadhiya Soomaaliya Rahul Chabbra ayaa booqday xafiisyada iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda iyo habka ay u shaqeeyaan.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa waftigan uga mahadceliyay booqashada ay ugu yimaadeen isla markaana ay soo dhowaynayaan.

Dhinaca kale Safiirka ayaa madaxda Wasaaradda Maaliyadda uga mahadceliyay sida ay ugu soo dhoween Xarunta Wasaaradda uuna ku faraxsanyahay booqashada uu ugu yimi.

Waftiga Hindiya in ay xarunta yimaadaan ayaa waxaa qayb ka ahaa Wasiirka Qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Dawladda Puntland.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland