492BDE26-B116-452C-8759-5E81FE837766.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo xilal cusub u magacaabay gobolada Nugaal iyo Sool

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa magacaabay Xisaabiyaha gobolka Nugaaal iyo kuxigeenkiisa.

Abdiwali Hassan Nuur ayaa loo magacaabay xisaabiyaha gobolka Nugaaal, Abdiwali ayaa ah aqoonyahan wax kasoo bartay dalka Itoobiya aagoo haysta darajada labaad ee Waxbarashada Masters-ka.


Sidoo kale , Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa magacaabay Maamulaha Cashuuraha Berriga ee gobolka Nugaal Mudane Sharmaake Maxamed Warsame Mohamed , Mudane Sharmaaake ayaa horay uga tirsanaa Xafiiska dakhliga ee xarunta dhaxe ee Wasaaradda Maaliyadda.

Maamulaha Cusub ayaa kasoo baxay Jaamacadda Barriga Africa ee Boosaaso asagoo bartay Maamulka iyo Maaliyadda.

Abshir Siciid Barre ayaa loo magacaabay Maamulaha Furdada gobolka Nugaaal, Abshir ka shaqeeeya qaybta Dakhliga ee Qorsheynta asagoo bartay Maamulka iyo Maaliyadda.

Ugu dambeyn, Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa u magacaabay Maamulaha furdada gobolka Sool Mudane Jamaal Cabdullaahi oo ka tirsanaa shaqaalaha wasaaradda Maaliyadda, sidoo kale Wasiirka ayaa magacaabay Kormeeraha dakhliga ee gobolka Sool Mudane Bashiir Cabdullaahi Khaliif.

Maamulaha Cusub ayaa kasoo baxay Jaamacadda Barriga Africa ee Boosaaso asagoo bartay Maamulka iyo Maaliyadda.

Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta
Wasaaradda Maaliyadda
Puntland