FB_IMG_1537534796011.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Xisaabiyaal u magacaabay gobolada Sanaag iyo Haylaan[Sawirro]

Wasiirka Wasaaradda Maaliyaadda Dawladda Puntland C/qaadir Siciid Carshe Dhaqaje ayaa Xisaabiyaha gobalada Sanaag iyo Haylaan iyo kuxigeenkiisa u magacaabay goboladd Sanaag iyo Hayalaan Axmed Aadan Xuseen iyo ku xigeenkiisa Siciid Daahir Qodax.

Xaflada Xilwareejinta Xisaabiyayaashii hore iyo kuwa la magacaabay ayaa ka dhacday Xarunta Wasaaradda Maaliaydda Dawldda Puntalnd ee magaalada Badhan,waxana ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda,Xisaabiyah Guud ee Dawladda Puntland, Maamulaha Bangiga laanta Boosaaso iyo Saraakiil ka tirsan Laamaha Amniga.

Kulankan waxaa ugu horayn ka hadlay Xisaabiyaha Guud ee Dawaldda Puntland C/risaaq Siciid Nuur,waxana uu xog dheeri ah ka siiyay Wasiirka Maaliaydda shaqada gobolka ee dhanka cashuuraha iyo hab u socodka shaqada.

Wasiirka Wasaardda Maaliyadda Dawladda Puntland C/qaadir Siciid Carshe (Dhaqaaje) ayaa dardaaran adag oo ku aadan dhanka shaqada iyo dardargelinta Soo xeraynta Dakhli u jeediyay masuuliyiinta cusub ee xilka loo magacaabay.

Xisaabiyaha gobolada Sanaag iyo Haylaan iyo kuxigeenkiisa ayaa lagu wareejiyay Xogihii kala duwanaa ee Wasaaradda Maaliyadda ee gobalada Sanaag iyo Haylaan,waxana ay balan qadeen in ay ku shaqayn doonaan Hufnaan iyo dadaal.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaardda Maaliyadda Puntland