dsc_0017

Wasiirka Maaliyadda Puntland Xaaji Cabdullaahi Shiikh Axmed oo Soo Xajiyey ayaa soo gaaray magaalada Boosaaso[Sawirro]

dsc_0017Wafdi ballaaran uu hoggaaminayey Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Xaaji Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa galabta kasoo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

Wafdiga Wasiir Xaaji Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha diinta dowladda Puntland Saalax Xabiib Jaamac,Xildhibaan Surcad iyo Xujeydii kale ee reer Puntland ee sanadkan xajka soo gudatay.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Xaaji Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa Puntland kusoo noqday kadib markii uu soo dhameystay Xajika oo uu kamid ahaa Sannadkan Muslimiinta Barakeysan soo gutaan.

Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ayaa waxaa kusoo dhaweeyey Wasiirka iyo Wafdigiisa ,Saraakiisha sarsare ee Wasaarada Maaliyada,dekedaha,gobolka iyo marti sharaf kale.

Mudane Xaaji Cabdullaahi Shiikh Axmed oo ugu horeyn Saxaafada la hadlay ayaa ka mahadceliyey sida maqaamka sare leh ee loogu soo dhaweeyey Boosaaso.

Waxa uu sheegay in Bulshada Soomaaliyeed iyo Puntland si weyn ugu soo duceeyey intii uu ku sugnaa dalka Sucuudiga ee Waajibaadka xajka kusoo gutay.

“”Ducooyinkayagii waxaan ku daraynay duco wadanka ah gaar ahaan Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya ,waanuna Isu dardaarmeynay runtii oo dhab iyadoo naga ah “”ayuu yiri.

Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa soo hadal qaaday doorashooyinka lagu wado in sanadkan ay dalka ka dhacaan,isagoona sheegay in cidii dalkan wax u qabaneysa ay bulshada kasoo baxayso.

Xaaji Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa ammaanay shaqadii ay dhawaan qabteen shaqaalaha furdada iyo ciidan ay kusoo qabteen baco laga mamuucay Puntland iyo alaabo la doonayey in cashuurta lagala baxsdo.

dsc_0012 dsc_0018 dsc_0022 dsc_0024 dsc_0025 dsc_0027 dsc_0029 dsc_0030 dsc_0037 dsc_0038 dsc_0039 dsc_0043 dsc_0051 dsc_0056 dsc_0058 dsc_0059 dsc_0060 dsc_0070 dsc_0074 dsc_0075 dsc_0076 dsc_0077 dsc_0078 dsc_0079

Waaxda Warfaafinta
Maaliyadda Puntland
mofpuntland@gmail.com
Bosaso.Office