3D92D3EC-065C-4E8F-B70A-4C2D10243FC7.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi oo gaaray magaalada Garoowe(Sawirro)

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi iyo waftiga uu hoggaaminayay ayaa soo gaaray caasimada Puntland ee Garoowe.

Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa intii uu safarkan ku guda jiray waxa uu kulan la qaatay mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ee degmada Dangoroyo oo ka tirsan gobolka Nugaal.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee degmada Dangoroyo ayaa Wasiirka uga xog waramay habka ay u wadaan ololaha Cashuuraha Gaadiidka,waxaana ay sheegeen gaadiid aan Cashuurnayn in aysan sii-deyn.

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee degmada Dangoroyo ku wacyigaliyay adkaynta hantida dadwaynaha iyo gudashada waajibaadka shaqo ee loo xil saaray.

Safar muddo bil ah qaatay ayaa Wasiirka Maaliyaddu ku tagay gobolada Bari iyo Karkaar ,kana soo qabtay sixida shaqada iyo ogaanshaha shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda, ugu dambayntiina dib ugu soo laabtay Caasimada Puntland ee Garoowe.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland