8F6A9E52-BF0C-42F6-839F-75497294C75D.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi oo kormeer shaqo ku tagay Dekedda Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Kormeerkan shaqo ayaa ahaa ogaanshaha shaqada ay hayaan shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee ku hawlan cashuurista badeecooyinka ka soo degada Dekedda weyn ee magaalada Boosaaso.

Xasan Shire Cabdi , Wasiirka Maaliyadda waxaa kormeerkan shaqo ku weheliyay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Maamulaha furdooyinka, Taliyaha Ciidamada Dekeda iyo madax kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee ka hawlgala dekeda ayaa Wasiirka xog dheeraad ah ka siiyay habka ay usocdaan Cashuurista badeecooyinka.

Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa sidoo kale booqday xafiisyada shaqaalaha Wasaaradda aydoo ay madaxdu xog dheeri ah la wadaagen Wasiirka.

Xiliga uu booqashada dekeda samaynaayay Wasiirka Maaliyaddu ayaa waxaa si hab sami leh usocday dajinta badeecooyinka ay wadaan doonyaha iyo Maraakiibtu.

Mudane Xasan Shire Cabdi Wasiirka Maaliyadda ayaa shaqaalaha Wasaaradda kula dardaarmay in ay muujiyaan dadaal dheeri oo ku aadan dhanka shaqada.

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda puntland