DFF0291E-14D5-4164-8FB8-FE43B505E99B.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi oo Shir Guddoomiyay Kulan looga hadlay Dakhliga[Sawirro]

GAROOWE – Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Garoowe waxaa kulan ku yeeshay Madaxda Wasaaradaha Maaliyadda, Dekedaha iyo Kalluumeysiga Puntland, waxaana shir gudoominaayay Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi.

Shirkan ayaa ahaa mid looga hadlay kobcinta dakhliga Dawladda kasoo gala Kalluumeysiga iyo doorka saddex Wasaaradood ka qaadan karaan aydoo lagu jiro xiligii ay bilaaban jireen shaqooyinka Kalluumeysiga.

Shirkan waxaa kasoo qaybgalay Wasiirka Dekedaha Puntland Maxamed Cabdi Cismaan, Wasiir kuxigeenka Maaliyadda, Xisaabiyaha Guud ee Dawladda, Wasiiru dawlaha Maaliyadda, Wasiiru dawlaha Kalluumeysiga Cabdiqani Geele, Agaasimayaasha saddexda Wasaaradood iyo mas’uuliyiin kale.

Shirkan intii uu socday ayaa la soo bandhigay habka loo qaado Cashuurta laga qaado maraakiibta iyo doonyaha la siiyo ogolaanshaha kaluumaysiga Badda iyo habka ay u hawlgalaan shaqaalaha sadexda Wasaaradood.

Madaxda ayaa asteeyay 19 goobood oo si wadajir jir ah uga hawlgali doonaan shaqaalaha saddexda Wasaaradood, shaqaale walbana uu guto waajibaadkiisa shaqo.

Sidoo kale waxaa laysla qaatay in Tababar loo qabto shaqaalaha ka hawa gala goobaha ay asteeyeen madaxda Wasaaraddahu laguna siin doono tababarka goobaha ay ka hawl galaan.

Dhawaan ayaa la filayaa  in madaxda Sadexda Wasaaradood oo heer Wasiir ah ay kormeer shaqo ku tagaan Gobolada xeebaha si ay wax badan uga ogaadaan hab usocodka shaqada.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi oo kaashanaaya Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda ayaa ku hawlan sidii loo samayn lahaa kobcinta takhliga dalka.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland