IMG_1174.jpg

Wasiirka Maliyadda Puntland oo la Kulmay shaqaalaha Wasaaradda ee gobolada Sool iyo Nugaal(Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay shaqaalahiisa Wasaaradda ee gobolada Sool iyo Nugaal.

Xarunta Wasaaradda ee magaalada Garoowe ayuu kulanku ka dhacay,waxaana kulanka shir guddoominayey Wasiirka,waxaana ku weheliyey Wasiir kuxigeenka Cabdisalaan Bashiir,Agaasimayaasha iyo shaqaalaha.

Muhiimadda ugu weyn kulankan waxaa uu ahaa dardargelinta shaqada iyo kor u qaadida daqliga iyo kicinta Canshuuraha Dowladda.

Ugu horeyn waxaa shirkna ka hadlay Agaasimaha Furdooyinka Wasaradda Cisman Buux Cali,waxaana uu sheegay in kulankan uu aha mid muhim ah,kuna saabsan sidii shaqooyinka loo dardargelin lahaa.

Agaasimaha Furdooyinka Wasaradda Cisman Buux Cali

Sidoo kale Agaasimaha Furdooyinka waxa uu shegay in kulankan uu aha mid uu codsaday Wasiirka Wasaaradda oo muhimad gar ah u arkay kulankan.

Xisaabiyaha gobalka Nugal ee Wasaradda Maaliyadda Burhaan Cisman Cuuke ayaa kusoo dhaweyay shirkan ,isagoo sheegay in shaqaalaha Gobalka ay soo dhaweynayaan la shaqeynta Xafiiska Wasiirka iyo guud ahaanba Wasaardda.

Ugu dambeyn waxaa halkaasi ka hadlay Wasiirka Maaliyadda Cabdillaahi Siciid Carshe oo sheegay in shaqaalaha looga bahan yahay sidii kor loogu qaadi lahaa shaqadda Wasaaradda islamarkaana lala xisaabtami doono shaqaalaha Wasaaaradda kormeerna uu jiri doono.

Cabdullaahi Saciid Carshe ayaa noqoanaya Wasiirkii ugu horeeyay ee sidan oo kale u dardar geliya howlaha shaqo ee Wasaradda iyo dar dar gelinta shaqooyinka ay Xarumaha Wasaarada ka hayaan dhamaan Shaqalaha Wasaradda ka howlgala.

Xafiiska Wacyigelinta Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda

Magaalada Garoowe

Maxamuud Cabdillaan