DSC_0491

Wasiirka oo kala shirey ganacsata Hoteelada dhaqangelinta canshuurta iibka (Sawiro)

DSC_0491Wasaaradda Maaliyada dawladda Puntland ayaa wada olole ballaaran oo ay kor ugu qaadeyso Cashuuraha beriga qeybta Gadida(Sales Tex),waxaana shir lala qaatay ganacsatada Hoteelada Bosaso.

Shirka oo lagu qabtay Xarunta Rugta Ganacsiga Puntland ee Bosaso ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Maaliyada Puntlan,Agaasimayaasha Dakhliga iyo maamulka Maaliyada,Xisaabiyaha guud,maamulka gobolka,Taliska Booliska iyo ganacsatada Hoteelada.

Agaasimaha Dakhliga Wasaarada Maaliyada Puntland Cismaan Buux Cali oo shirka ka hadlay Ujeedkiisa ayaa sheegay in muhiimadu tahay kor u qaadida cashuuraha Beriga qeybta Iibka (Sales Tax) .

Cismaan Buux Cali ayaa sheegay in cashuurta iibka uu bixiyo qofka badeecadaha gata ee ma ahan mid ay bixiyaan ganacsatadu waana mid laga qaado qofka muwaadinka ah ee hoteelka seexda ama cuntada ka cuna.

“Waxaa ganacsatada looga baahanyahay iney hirgeliyaan Cashuurta gadida kuna daraan warqada iibka badeecadaha,Cashuurta gadida waxaa bixiya qofka badeecadaha gadanaya ee ma ahan mid ay bixiyaan ganacsatadu ,waxaa laga qaadaa qofka muwaadinka ah oo Hoteelka seexanaya ama cuntada cunaya “ayuu yiri

Agaasimaha Dakhliga Wasaarada Maaliyada Puntland oo sharaxaad ka bixiyey micnaha Cashuur ayaa ku sheegay in ay tahay qaaraan qasab ah kuna waajibtay shakhsi kasta oo muwaadin ah bixinteeda isla markaasna aysan daba joogin wax shuruud ah bixinteedu.

Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Dhedo Iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen Cabdirisaaq Afgaduud ayaa ku booriyey ganasatadu iney bixiyaan Cashuurta iibka (Sales Tax) lana shaqeeyaan hawldeena qaabilsan hawshan.

Mid kamid ah ganacsatada oo ku hadlay afkooda ayaa sheegay iney waajib tahay in ay cashuurta bixiyaan isla markaana Wasaarada kala qeybqaadanayaan dardargelinta bixinta Cashuurta iibka (Sales Tax).

Wasiirka Maaliyada Puntland Dr Cabdillaahi Shiikh Axmed oo soo xiray shirka ayaa si guud ugu dheeraday muhiimada Cashuurta,isagoona sheegay iney muhiim tahay si dawladinimo u jirto.

“Cashuurtu si dawladnimo u jirto waa muhiim aad bey lagama maarmaan u tahay waa waxa ugu horeeya in la khasbo maxaa yeelay dawladnimadii bey u tahay tiir”ayuu yiri Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed.

Wasaaradda Maaliyada Puntland ayaa wada qorshe in Saddexda bilood ee ka harsan la dhameystiro cashuuraha beriga taasoo la doonayo in meel walba ka hirgalaan deegaanada Puntland.

Qaybta Warbaahinta – Media Unit