DSC_0155

Wasiirka Maaliyadda oo la kulmey ganacsatada – Sawiro

DSC_0155

Bosaso:- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed ayaamaanta kulan la qaatay ganacsatada ugu waaweyn deegaanada Puntland kaasoo ahaa kulann wadatashi.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha Puntland ayaa Ujeedkiisu ahaa in Wasiirka cusub ee Maaliyadda iyo ganacsatada Puntland wadatashi uga yeelan lahaayeen dardargelinta Cashuurta.

Ganacsatada Puntland ee ka qeybgashay kulanka oo hadalo kasoo jeedisay madasha ayaa sheegay in si weyn usoo dhaweynayaan Wasiirka Maaliyadda Puntland Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed isla markaana ay la shaqeynayaan.

Waxay ballan qaadeen in si dhow ula shaqeynayaan Wasaaradda Maaliyadda Puntland isla mar ahaantaana wixii tallo iyo tusaale ah ka geysan doonaan horumarka Puntland.

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed oo soo gunaanaday kulanka ayaa sheegay in ganacsatada Puntland laf-dhabar u yihiin horumarka dalka,isagoona ballanqaaday in wax walba wadatashi laga yeelan doono si lagu horumariyo bixinta Cashuuraha.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed ayaa mudada uu joogo ka shaqeyn doona arrimo badan oo la xiriira Wasaaradiisa ,waxaana uu kulamo la qaadan doona bulshada iyo ganacsatada.

– Dhamaad –