IMG_1108.jpg

Wasiirka Wasaradda Maaliyadda Dowlada Puntland oo la Kulmay Ganacsatada ku dhaqan gobolka Nugaal[Sawirro]

Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Dowlada Puntland ee magaaladda Garowe waxaa lagu qabtay maanta kulan muhiim ah oo looga hadlayay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatadda Lacagta shilinka Soomaliga ah.

Kulankan oo dhinacyo badan taabanyay aya waxaa shir gudoominayey Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Cabdullaahi Saciid Axmed Carshe.

Waxaana kulanka ka qeybgalay dhinacyada ganactsada ku dhaqan Puntland ee gobolka Nugaal iyo Xafiiska Dalada Daneeyayaasha aan Dowliga ahayn ee PUNSA.

Muhiimadda ugu weyn ee shirkan lagu laf gurayay ayaa waxaa uu ahaa sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatadda Lacagta shilinka oo beryahan ka tagan Suuqyada Puntland oo dhan.

Ugu horeyn waxaa shirkan ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Puntland Mudane Cabdullaahi Saciid Axmed Carshe,waxaana uu shegay in uu ku faraxsan yahay in kulanka ay qeyb ka yihiin xubnaha ugu muhiimsan ee ganacsatada gobolka Nugaal.

Sidoo kale Wasiirku,wuxuu shegay in ay Wasaraddu diyaar u tahay sidii ay mar walba uga shaqeyn lahayd xal u helida dhibaatada Lacagta Shillinka Soomaliga ah.

Qaar kamid ah ganacsatada ka qeybgashay kulankan ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin kulankan, iyagoona sheegay in ay kulamada noocaan ah aysan hore wasaaraddu u dhex mari jirin balse la sii kordhiyo kulmada caynkaan oo kale ah.

Kulankan ayaa noqonayaa kii ugu horeeyay ee Wasiirka Wasaradda Maaliyadda Puntland iyo Ganacsatada ku dhex mara xarunta Wasaradda iyadoo la eegi doono sidii loo xalin lahaa dhibatada lacagta shilinka Somaliga ah.

Xafiiska Wacyigelinta Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda

Magaalada Garoowe

Maxamuud Cabdillaan