53636811-E065-4913-A08C-92902023B183.jpg

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Puntland oo booqday Kastamka Tuur-dibi [Sawirro]

GALDOGOB – Wasiiro iyo xubno kale oo ka tirsan Xukuumadda Dowladda Puntland oo howlo shaqo ku jooga degmada Galdogob ayaa maanta booqday  Kastamka Tuurdibi oo ah mid ka tirsan degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

Kastamka Tuurdibi ayaa ku yaalla xuduudka Puntland ee Soomaaliya la wadaagto dalka Itoobiya , waxaana uu ka tirsan yahay degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

Madaxda booqatay waxaa kamid ahaa Wasiirka Ganacsiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi, Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland ahna ku simaha Wasiirka Eng. Cumar Xasan Fiqi, ,Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Cabdinaasir Yusuf Xirsi, Xildhibaan Cabdiweli Yusuf Dirir, Xisaabiyaha W/Maaliyadda gobolka Mudug Ismaaciil Cabdinuur Geesey, iyo mas’uuliyiin kale.

https://www.facebook.com/mof.puntland/videos/487266408853869/

Ujeedada kormeerkooda shaqo ee Kastamka Tuurdibi ayaa salka ku haysa si loo abuuro xiriir Ganacsi oo dhexmara Ganacsatada Puntland iyo Itoobiya.

Xubnaha labada Golle ee booqday Kastamka Tuurdibi ayaa soo ogaaday waxyaabaha muhiimka ah ee ka dhiman halkaasi si dhakhsana loo hirgaliyo.

Kadib markii Dawladda Puntland dhankeeda ka qabto baahiyaha Kastamka ayaa la filayaa in Dawladda Itoobiya dhankeeda ay samyn doonto wadooyinkii ay adeegsan lahaayeen Gaadiidku.

Waxaa xusid mudan in dhowaan ay safar shaqo ku tageen dalka Itoobiya Wasiirka Ganacsiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi iyo Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland Eng  Cumar Xasan Fiqi kaasi oo ku aadanaa sidii loo furi lahaa Kastamka Tuurdibi.

Madaxwaynaha Dawladda Puntland Mudane Dr Siciid Cabdulaahi Deni ayaa horay u ballan qaaday in ay dadaal dheeri ah Xukuumadiisu ku bixin doonto in ay ka shaqayso kobcinta dhanka maalgashiga dalka si horumar loo gaaro. 

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland