DSC05956

Xafiiska Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee gobolka Mudug oo loo Magacaabay Xisaabiye Cusub[Sawirro]

DSC05956
Xisaabiyaha cusub ee Wasaaradda Maaliyadda G Mudug

Xasan Cabdulle Sanweyne,ayaa loo magacaabay xisaabiyaha cusub ee wasaaradda maaliyadda gobolka Mudug,markii weerar is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo uu ku geeryoodey 31 bishii Maarso ee sanadkan xisaabiyihii hore ee wasaaradda maaliyadda ,Siciid Cali Yuusuf (Gaadayare).

Munaasabad uu xilka kula wareegayo xisaabiyaha cusub ee wasaaradda maaliyadda Puntland u qaabilsan gobolka Mudug ayaa lugu qabtay xarunta wasaaradda maaliyadda ee magaalada Gaalkacyo,waxaana goob-joog u ahaa wasiirka maaliyadda,wasiir ku-xigeenka wasaaradda howlaha guud,guddoomiyaha gobolka,taliyaha booliska Puntland,taliyaha qaybta gobolka Mudug,maareeyaha garoonka diyaaraha iyo mas’uuliyiin kale oo ay waheliyeen xubno ka tirsan wax-garadka gobolka.

Xilkan xisaabiyaha wasaaradda maaliyadda ee gobolka waxaa horay si kumeel-gaar ah u hayay,Cabdi Jaamac oo ah Kaaliyaha wasaaradda Maaliyadda gobolka Mudug,kaaso si rasmi ah maanta xilka ugu wareejiyay xisaabiyaha cusub ee wasaaradda maaliyadda.

2-13Kaaliyaha wasaaradda maaliyadda Puntland ee gobolka Mudug,Cabdi Jaamac ayaa dhamman dukumiintiyadda xafiiska wasaaradda oo ay ku dhan-yihiin,gaadiidka,guryaha iyo shaqaalaha xafiiska wareejiyay isagoo marka ka warbixiyay shaqada xafiiska wasaaradda maaliyadda ee gobolka Mudug.

Xisaabiyaha cusub ee wasaaradda maaliyadda gobolka Mudug, Xasan Cabdulle Sanweyne ayaa markii uu xilka la wareegay,waxuu u mahadceliyay wasiirka maaliyadda iyo shaqaalaha wasaaradda oo u marka ka dalbadey si dhow inay ula shaqeeyaan.

“Xilkan waa meerto,laakin waxaan codsanaya in laygu soo duceeyo,annigoo u mahadcelinaya wasiirka iyo shaqaalaha wasaaradda,”ayuu yiri xisaabiyaha cusub ee wasaaradda maaliyadda gobolka Mudug.

4-10 (1)Waxuu ballan-qaaday shaqo wanagsan oo ay hufnaan ku jirto inuu qaban doono,si loo dardar-galiyo shaqada uu hayo xafiiska wasaaradda maaliyadda oo ka mid ah xafiisyadda ugu muhiimsan ee ka shaqeeya gobol Mudug.

Guddoomiyaha gobolka Mudug,Xasan Maxamed Khaliif ayaa u sheegay xisaabiyaha cusub ee wasaaradda maaliyadda in laga doonayo la shaqeynta gobolka,isagoo marka sheegay dhaqaalaha in la doonayo sidii wax loogu qaban lahaa danaha bulshada.

Ugu dambeyn,wasiirka maaliyadda Puntland,Cabdullaahi Sheekh Axmed ayaa ku dhawaaqay in waxii maanta ka dambeeya mas’uuliyadda wasaaradda maaliyadda ee gobolka Mudug inuu hayo,Xasan Cabdulle Sanweyne oo u marka u sheegay in looga bahan-yahay sidii uu uga soo dhalaali lahaa mas’uuliyadda culus ee loo dhiibay.

Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Gaas ayaa magacaabay xisaabiyaha cusub ee wasaaradda maaliyadda oo horay uga tirsanaa saraakiisha xafiiska wasaaradda maaliyadda gobolka Mudug.

1-24 5-8 DSC05954

Gaalkacyo