Xaflad Abaal-marin ah loo sameeyay Shaqaalaha Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland[Sawirro]

GAROOWE – Xafladdan ayaa ujeedkeedu ahaa abaal-marinta Shaqaalaha Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland, waxaana soo agaasimay Agaasinka Dakhliga W/Maaliyadda waxayna hadafkeedu ahaa sidii shaqaalaha Dakhliga loo gudoonsiin lahaa abaal-marino kala duwan oo ay ku muteysteen soo uruurinta dakhliga  iyo dadaalo dheeri ah oo ay ka sameeyeen goobahadooda shaqada iyo sidoo kale in ay si wanaagsan ugu adeegeen bulshadda cashuur bixiyaha ah.

Sanadkii dhamaaday (2019) iyo January ilaa Sep 2020, Wasaaradda Maaliyadda waxa ay ku tallaabsatay guulo la taaban karo si loo tayeeyo hannaanka Maaliyadda guud ahaan, gaar ahaanna loo dardar-geliyo sare u qaadidda dakhliga, taas oo tiir dhexaad u ah ka jawaabidda baahiyaha bulshada iyo adkaynta nidaamka dawladnimo. 

Mas’uuliyiintii madasha ka hadashay ayaa ka xaqiijiyay hormarkii laga sameeyay dakhliga ayagoo xusay in dhamaan nidaamka cashuur uruurinta la hormariyay ayadoo laga hirgaliyay hanaanka casriga ah is wada (Revenue administration system) sidoo kale madaxda ayaa xustay in kor loo qaaday tayada shaqaalaha dakhliga lana kobciyay xirfaddooda  si loo tayeeyo awoodooda waxqabad iyo dakhli uruurintooda. 

Wasaaradda Maaliyadda Puntlqnd ayaa gaartay yoolkii dakhli uruurinta bishii September 2020 taasoo ah markii ugu horeesay in lasoo aruursho dakhligii ku talagalka ahaa (Estimate Monthly Revenue Projection).

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa u mahadceliyay dhamaan kasoo qayb galayaashii madasha asagoo ka hadlay sicir bararka ka jira Puntland dhawaana xal waara loo heli doono.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa xusay in Wasaaradda Maaliyaddu ay si dhow ula socon doonto sicirka badeecadaha iyo sarifka suuqqa.

Gabagabadii Wasiirka ayaa gudoonsiiyay shahaado sharafyo iyo abaal marin lacageed oo ay muteysteen qayb ka mid ah shaqaalaha dakhliga, isla markaasna u mahadceliyay dhammaan cashuur bixiyaasha kala duwan ee ku sugan Puntland sida ay u bixiyiyeen cashuuraha ku waajibay sanadkii 2019-ka.



Baahintii 

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta 

Wasaaradda Maaliyadda 

Dawladda Puntland