Xaflad Sagootin ah oo loo sameeyay Shaqaale loo qabtay Tababar ku saabsan CIFA ( Sawirro)

GAROOWE – Xaflad sagootin ah ayaa maanta loo qabtay shaqaale ka kala socday Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya ee dhanka Maaliyadda. Shaqaalahan ayaa loo soo gabagabeeyay Tababar ku saabsanaa CIFA ( Public Financial Management). 

Xafladda ayaa waxaa kasoo qaybgalay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda, Guddoomiyaha Jaamacadda PSU,professor-ka bixinayay Barnaamijka iyo marti sharaf kale.

Barnaamijkan waxaa maalgelinayay Bangiga Adduunka , waxaana iska kaashaanaya fulintiisa Wasaaradda Maaliyadda Puntland , machadka CIFA – Chartered Institute of Public Finance and Accountancy – oo xaruntiisa tahay London. Waxaana fulinayay Wasaaradda Maaliyadda iyo Jaamacadaha PSU iyp EAU.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Faysal Cabdullaahi Warsame oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan tayaynta aqoonta shaqaalaha. 

….” Waxaanu ku dadaaleynaa in aanu dhisno tayada shaqaalaha si shaqadu u hagaagto…” ayuu yiri Mudane Faysal Cabdullaahi Warsame.

Sidoo kale waxaa gunaanadka ka hadlay macalinka casharka bixinayay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Mudane Faarax Cali Shire , isagoona sharaxaad ka bixiyay habka uu u socday Barnaamijka.

Guddoomiyaha Jaamacadda PSU Proff Maxamuud Sheekh Xaamuud oo ayaa isna madasha hadal kasoo jeediyay , waxa uu ku dheeraaday in muhiimada Barnaamijka.

Wasiir kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cabdi Ibraahim Warsame ( Qawdhan) ayaa ugu dambeyn soo xiray xafladda , waxa uu kula dardaarmay ka qaybqaatayaasha Barnaamijka in si wanaagsan looga faa’ideysto deeqdan Waxbarasho.

Xafiisaka Wacyigelinta iyo Warfaafinta 

Wasaaradda Maaliyadda

Dawladda Puntland