FB_IMG_1538524096619.jpg

Xaflada Daah-furka Qabyo-tirka Cashuurta Moorka (Stamp tax) oo lagu qabtay Garoowe+Sawirro

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta daah-furay dhamaystirka Cashuurta Moorka.

Xaflada daah-furka oo ka dhacday Hoolka shirarka Garoowe ayaa waxaa ka soo qayb galay Golaha Xukuumada, Golaha Baarlamaanka, Duga Degmeda Garoowe, Gudoomiyaha Gobolka Nugaal, Taliyaha Qaybta Nugaal, Garyaqaanka guud, Hantidhowraha guud, Xisaabiyaha guud, Madaxda Mashaariicda Bankiga Aduunka iyo Agaasimayaal iyo shaqaale kale duwan.

Ugu horeyn waxaa khudbad soo jeediyey Xasan Cali Samatar Agaasimaha guud ee Dakhliga W.Maaliyadda, isagoo yiri ‘Mudane Madaxweyne maanta halkan uma joogno in aynu daah-furno cashuur cusub ee waa Qabyo tirka cashuur horey loo qaadayey taasoo ah cashuurta Moorka afka talyaaniga lagu dhaho ‘Faranka Boollo’ , cashuurtaas oo u dhacday habka boqoleyda (2%), waxaynu daah-fureynaa hirgelinta qaybteedii labaad oo ah qiime go’an (Fixed amount), wuxuuna ku soo dhaweeyey Garyaqaanka guud.

Garyaqaanka Guud oo sheegay in ay Wasaaradda Maaliyaddu iyo Wasaaraddaha kale u baahan yihiin sharci yaqaano ka dhex shaqeeya loona tababaro, isla markaana laga wada shaqeeyo qaadista cashuurta.

Waxaa kaloo ka hadlay madasha Wasiir kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Mudane Caateeye , oo sheegay ‘ Sharciga hortiina yaalaa maanta wuxuu koobayaa waxkasta oo ku saabsan cashuurta Moorka wuxuuna ku dheeraaday kana codsaday qaybaha kala duwan in Wasaaradda lagala shaqeeyo hirgelinta ama qaadista cashuurta guud ahaan, gaar ahaana cashuurta Boolada, wuxuuna ku soo dhaweeyey Wasiirka Maaliyadda.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Cabdulaahi Saciid Carshe (Dhaqaaje) ayaa ku dheeraaday kana sheekeeyey marxaladhii uu soo maray diyaarinta hirgelinta Cashuurta Moorka iyadoo Wasaaradda iyo khubaradu ka shaqeynayeen mudo 4 bilood ah, hadaladii Wasiirka waxaa ka mid ahaa ‘ Wasaaradda Maaliyadda kaligeed wax maqan karto hadii aan lagala shaqeyn qaadista cashuurta, cidkasta sida Maxkamadaha, Dowladda hoose, Nootaayooyinka sharciga ah iwm, sababtoo ah shaqadani waa Masuuliyad wadareed (collective responsibility) mahan shaqo aanu gaar u leenahay, dhamaan hay’adaha dowladu waa in ay nalaga shaqeeyaan.

Ugu danbeyn waxaa Daah-furay cashuurta Boollada Madaxweynaha DPL, Mudane Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas isagoo sheegay ‘Marar badan baan sheegay inaku Somalia cashuur ma bixino marka loo eego wixii laynaga rabay, tusaale ahana Dalka mareykanka cashuurta ugu badan ee la qaado waa cashuurta Dakhliga qofka (Income tax) taasoo ku dhacda dakhliga qofka, tusaale aniga mushaharkayga waxaa layga qaadi jiray 25% oo ay leedahay Federaalka, 6% oo ay leedahay State-ka aan Degenaa, 7.4%, oo ah waxbarasho hadii aad caruur dhashay iyo hadii aadan dhalinba waad bixinay iwm.

Madaxweynuhu wuxuu intaa ku daray Muhiimada ay leedahay hirgelinta Cashuurta Moorka oo yareyneysa Musuq maasuqa kana qayb qaadanay Dowladda wanaaga, shaqo abuurka, hufnaanta.

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warbaahinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntland