5I2A0382

Xiriiriyaha Mashruuca PFM-ka Puntland oo Garoowe kusoo dhaweeyey Khuburo caalami ah[Sawirro]

5I2A0382Waxaa soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimada Puntland khuburo caalami ah ,kuwaasoo kala shaqeyn doona Wasaaradda Maaliyadda Puntland habka maareynta xogta maaliyadda
sida Xisaabaadka iyo Cashuuraha.

Xiriiriyaha mashruuca PFM-ka Mr. Abdiqadir Ahmed Hashi ayaa khuburadan kusoo dhaweeyey magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Xiriiriyaha mashruuca PFM-ka Mr. Abdiqadir  Ahmed Hashi
Xiriiriyaha mashruuca PFM-ka Mr. Abdiqadir Ahmed Hashi

Mudane Cabdiqaadir Axmed Xaashi ayaa sheegay in khubaradan ka caawin doonaan Wasaaradda Maaliyadda Puntland diyaarinta,tayeynta iyo hirgelinta qaab xisaabeedka, miisaaniyadda iyo Barnaamijka FMISka oo lagu maamuli doono dhammaan dhakhliga Dawladda iyo Kharashaadka iyadoo lagu dhaqmayo miisaaniyadda la meel mariyey.

3Waxaa kale oo khuburadaan ka caawimi doonaan Wasaaradda dhinaca cashuuraha, maamulida, ururinta, wacyi gelinta iyo dib u fiirinta shuruucda jira.

…Waxaa laga tayeynayaa in la diyaariyo siyaasadii ama qaabeyntii sidii barnaamijyadan u hirgeli lahaayeen,””ayuu yiri Cabdiqaadir Xaashi.

Khuburadan ayaa ka socda shirkad lagu magacaabo UNICON LTD oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska.

Ugu danbeyn Xiriiriyaha mashruuca PFM-ka Mr. Abdiqadir Ahmed Hashi ayaa kulan la qaatay khuburadan,waxayna si qoto dheer uga wadahadleen sidii loo guda geli lahaa hawshan.

1 2 3 6 7 8 9 10

Waaxda Warbaahinta
Wasaaradda Maaliyadda
Puntland
mofpuntland@gmail.com