xisaabiyaha

Xisaabiyaha guud ee cusub oo xilka la wareegay (Sawiro)

Xisaabiyihii hore ee Dawladda Puntland Axmed Maxamed Xasan ayaa maanta xilkii uu hayey ku wareejiyey Xisaabiyaha cusub ee dhawaan uu soo magacaabay Madaxweynaha Puntland Cabdirisaaq

Munaasabada xilwareejin ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Maaliyada Puntland ,Aggaasimayaasha maamulka iyo dakhliga ,shaqaalaha Xisaabaadka iyo marti sharaf kale.

Agaasimihii hore ee Dowladda Puntland Axmed Maxamed Xasan oo ugu horeyn Munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in maanta uu xilka si rasmi ah ugu wareejiyey Xisaabiyaha cusub.

Waxaan maanta xilka ku wareejinayaa Xisaabiyaha cusub ee dowladda Puntland Cabdirisaaq Siciid Nuur waadna salaamantihiin.ayuu yiri Xisaabiyihii hore ee Dowladda Puntland

Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland Cabdirisaaq Siciid Nuur ayaa ammaanay Xisaabiyihii hore ,isagoona ballanqaaday in shaqada halkeeda uu kasii wadayao ,waxaana uu shaqaalaha kula dardaarmay dardargelinta shaqada.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed ayaa sheegay in ay la shaqeyn doonaan Xisaabiyaha cusub isla markaana ku gacan siin doonaan shaqadiisa.

Waxaan ballanqaadeynaa inaan kusoo dhaweyno kuu fududeyno shaqadaada garab iyo gaashaana ku noqono aadna naga heshid Taageero dhinac walba ah .ayuu yiri Dr Cabdullaahi.