1B81E268-2EDE-441A-9D0D-5932784A8F58.jpg

Xisaabiyaha guud ee dowladda oo kormeer ku tagay dowladda hoose ee Garoowe(Sawirro)

Xisaabiyaha guud ee Dawladda iyo Madax ka tirsan xafiiskiisa ayaa kormeer ku tagey Dawladda Hoose ee Garoowe.

Kormeerkan shaqo ee Xisaabiyaha Guud ayaa ujeedadiisu ahayd in uu u kuur galo meesha uu marayo Barnaamijka FMIS ” Financial Managment Information system. Oo laga hirgeliyey Dawladda hoose Ee Garowe

Dawladda Hoose ee Garoowe ayaa noqonaysa Degmadii ugu horeeysay ee dhamaan Puntland laga hirgaliyo Barnaamijka FMIS ”

Xisaabiyaha Guud ayaa sheegay in ay ku xusheen Degmaha Garowe, in ay joogaan madax u heelan dib u habaynta iyo horumarinta maamulka maaliaydda.

Duqa Caasimada Puntland ee Garoowe Axmed Siciid Muuse ayaa sheegay tijaabooyin badan kadib ay si toos ah u hirgaliyeen bishii sadexaad isla markaana wax takhliga ah oo soogala kana baxa Dawladda Hoose uusan jirin oo aan nidaamkani soomarin,Sidoo kale ay dhakhso u hirgelin doonaan qaybo kale oo muhiim ah sida Shaqaalaha, hantida iyo dakhli ururinta.

Xisaabiyaha guud ee Dawladda Puntland Cabdirisaaq Siciid Nuur ayaa Madaxda Dawladda Hoose ee Caasimada uga mahad celiyay sida ay horseedka ugu noqdeen adeegsiga Barnaamijka Maaraynta Maaliyadda ee FMIS waxana uu sheegay in dhowaan Degmooyin kale oo Puntland ah la gaar siin doono Dawladda Hoose ee Garoowena ay noqo nayso Degmadii ugu horeeysay ee adeegsata.

https://www.facebook.com/mof.puntland/videos/994607777594853/

Xisaabiyaha guud ayaa sheegay in dhakhso loo samayn doonaa xaflad daahfur ah oo lagu iclaamin doono in Garowe ku guulaysatay in ay horumariso maamulka maaraynta maaliyadda sidoo kalena ay la timaado daahfurnaan iyo Isla xisaabtan.

Xafada daahfurka ayaa sidoo kale lagu iclaamin doonaa xiliga ay degmooyinka kale ku Soo xirmi doonaan FMIS.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland