1 (10)

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kormeer shaqo ku tagay Garoonka Diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee Gaalkacyo[Sawirro]

GAALKACYO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud iyo Guddi uu hoggaaminayo ayaa maanta kormeer howleed ku tagay garoonka diyaaradaha C/laahi Yususuf ee magaalada Gaalkacyo.

Guddiga ayaa warbixino kala duwan ka dhagaysteen Maareeyaha garoonka diyaaradaha Siciid C/raxmaan Dhagaweyne Iyo xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda gobolka Mudug Ismaaciil Cabdinuur Geesey.

Intii ay guddigu ku jireen kormeerka ayna ahayd xili shaqo waxay booqdeen xafiisyada xarunta Wasaaradda ee gobolka Mudug iyo goob horey lagu talagalay in laga dhiso Garoon diyaaradeed oo cusub kaas oo duleedka waqooyi kaga beegan magaalada Galkacyo.

Ugu dambayn Guddiga dardargelinta Ganacisga ayaa booqaday Wasaaradda Deegaanka xarunteeda magaalada Gaalkacyo
gudddiga daradargalinta ganacsiga Puntland ayaa dhawaan waxa magacabay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/laahi Deni.

Baahinta

Xaafiska Wacyi-galinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (18)

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Dekedda Garacad[Sawirro]

GARACAD – Guddi uu Hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ahna Guddoomiyaha Guddiga Dardargelinta Ganacsiga Puntland ayaa gaaray magaaladda Garacad ee degmada Jariiban gobolka Mudug.

Guddiga oo ku sugan magaalada Garacad ee dagmada Jariiban ayaa waxay booqdeen Dekeda Garacad oo ay ka socdaan shaqooyinka dejinta badeecadaha ay wadaan doonyaha iyo maraakiibta ku suu xirtay Dekeda.

Sidoo kale Guddiga ayaa waxa ay booqdeen xafiisyada Wasaaradda Maaliyadda, goobaha Xannaanada Xoolaha sida xarumaha Baarista iyo Maxjarka xoolaha ee Garacad.

Guddigan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Maxamed Faarax Maxamuud ayaa warbixino ka dhagaystay mas’uuliyiinta Dekeda Garacad, howlwaddeenada Wasaaradda Maaliyadda iyo maamulayaasha maxjarka xoolaha ee Garacad.

Waxaa xusid mudan in gudigu horey u soo booqdeen Qardho iyo Booasaao.

Baahinta

Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigalinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowlada Puntland

Read More