Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Dekedda Garacad[Sawirro]

GARACAD – Guddi uu Hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ahna Guddoomiyaha Guddiga Dardargelinta Ganacsiga Puntland ayaa gaaray magaaladda Garacad ee degmada Jariiban gobolka Mudug.

Guddiga oo ku sugan magaalada Garacad ee dagmada Jariiban ayaa waxay booqdeen Dekeda Garacad oo ay ka socdaan shaqooyinka dejinta badeecadaha ay wadaan doonyaha iyo maraakiibta ku suu xirtay Dekeda.

Sidoo kale Guddiga ayaa waxa ay booqdeen xafiisyada Wasaaradda Maaliyadda, goobaha Xannaanada Xoolaha sida xarumaha Baarista iyo Maxjarka xoolaha ee Garacad.

Guddigan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Maxamed Faarax Maxamuud ayaa warbixino ka dhagaystay mas’uuliyiinta Dekeda Garacad, howlwaddeenada Wasaaradda Maaliyadda iyo maamulayaasha maxjarka xoolaha ee Garacad.

Waxaa xusid mudan in gudigu horey u soo booqdeen Qardho iyo Booasaao.

Baahinta

Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigalinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowlada Puntland