Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay kulanka Horumarinta Shaqada

GAROOWE – Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Eng Cabdullaahi Ismaaciil Maxamed ayaa shir guddoomiyey kulanka horumarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda. Kulanka ayaa lagu qabtay xarunta dhexe ee Wasaaradda, waxaana kasoo qayb galay Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda iyo Madax qaybeedyada. Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaraadda ayaa Wasiirka la wadaagay shaqooyiinka horumarka laga sameeyey bilihii u danbeeyey,shaqooyiinka aan lagu […]