IMG_4615

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo la Kulmay Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Gollaha Wakiilada Puntland[Sawirro]

GAROOWE – Maxdaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa la kulmay maanta Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisabadka ee Gollaha Wakiiladda Dowladda Puntland.

Madaxda Wasaaradda waxaa hogaaminayey Wasiir ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda oo ay weheliyeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga, kuxigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda ,Agaasimaha waaxda Miisaaniyadda, Agaasimaha waaxda Cashuuraha beriga, Agaasimaha waaxda furdooyinka iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda

Guddiga ayaa mas’uuliyiinta Wasaaradda wax ka waydiiyey su’aalo la xiriira dhaqangalka Miisaaniyadda 2025, faah-faahinta dakhliga iyo kharashka muddada lagu jiray Miisaaniyadda 2025, xuquuqda shaqaalaha iyo Ciidamada ee Miisaaniyadda ku jirta iyo cabashooyin ka yimi dadweyanaha oo la xiriira cashuuro.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa si faah-faahin uga jawaabay  dhammaan su’aalihii ay waydiiyeen Guddigu.

Ugu dambayn kulankan lagu balamay sii xoojinta Wada shaqaynta Gudiga iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_4590

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo ka qaybgalay Kulan Wadatashi Dadweyne ee Qorshaha Miisaaniyadda[Sawirro]

GAROOWE –  Madaxda  Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa maanta ka qeyb galay kulan wadatashi dadweyne oo lagaga hadlayay Qorshaha Miisaaniyadda Dowladda, kaas oo ay soo qabanqaabisay Dalladda Ururada Bulshada Rayidka ah ee PUNSAA.

kulanka waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Axmed Jaamac Jowle, Agaasime guud ku-xigeenka Maamulka Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cigaal,Agaasimaha Waaxda Miisaaniyadda Mudane Cabdisamad Cawad Surato,iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Madaxda Wasaaraddu waxay si qoto dheer uga hadleen muhiimadda ay leedahay wada-tashiga dadweynaha iyo sida ay talooyinka bulshada uga qeyb qaadan karaan horumarinta hannaanka miisaaniyadeed ee dowladda. Sidoo kale, waxay bogaadiyeen doorka Dalladda PUNSAA ee kor u qaadista ka-qaybgalka bulshada iyo la-xisaabtanka hay’adaha dowladda.

Wasaaradda Maaliyaddu waxay mar walba u taagan tahay in ay si daah-furan oo hufan uga shaqeyso howlaha miisaaniyadda, iyadoo dhiirrigelinaysa wada-tashi joogto ah oo lala yeesho bulshada Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More