Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo la Kulmay Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Gollaha Wakiilada Puntland[Sawirro]
GAROOWE – Maxdaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa la kulmay maanta Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisabadka ee Gollaha Wakiiladda Dowladda Puntland.
Madaxda Wasaaradda waxaa hogaaminayey Wasiir ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda oo ay weheliyeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga, kuxigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda ,Agaasimaha waaxda Miisaaniyadda, Agaasimaha waaxda Cashuuraha beriga, Agaasimaha waaxda furdooyinka iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda
Guddiga ayaa mas’uuliyiinta Wasaaradda wax ka waydiiyey su’aalo la xiriira dhaqangalka Miisaaniyadda 2025, faah-faahinta dakhliga iyo kharashka muddada lagu jiray Miisaaniyadda 2025, xuquuqda shaqaalaha iyo Ciidamada ee Miisaaniyadda ku jirta iyo cabashooyin ka yimi dadweyanaha oo la xiriira cashuuro.
Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa si faah-faahin uga jawaabay dhammaan su’aalihii ay waydiiyeen Guddigu.
Ugu dambayn kulankan lagu balamay sii xoojinta Wada shaqaynta Gudiga iyo Wasaaradda Maaliyadda.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland