Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo ka qaybgalay Kulan Wadatashi Dadweyne ee Qorshaha Miisaaniyadda[Sawirro]
GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa maanta ka qeyb galay kulan wadatashi dadweyne oo lagaga hadlayay Qorshaha Miisaaniyadda Dowladda, kaas oo ay soo qabanqaabisay Dalladda Ururada Bulshada Rayidka ah ee PUNSAA.
kulanka waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Axmed Jaamac Jowle, Agaasime guud ku-xigeenka Maamulka Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cigaal,Agaasimaha Waaxda Miisaaniyadda Mudane Cabdisamad Cawad Surato,iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda.
Madaxda Wasaaraddu waxay si qoto dheer uga hadleen muhiimadda ay leedahay wada-tashiga dadweynaha iyo sida ay talooyinka bulshada uga qeyb qaadan karaan horumarinta hannaanka miisaaniyadeed ee dowladda. Sidoo kale, waxay bogaadiyeen doorka Dalladda PUNSAA ee kor u qaadista ka-qaybgalka bulshada iyo la-xisaabtanka hay’adaha dowladda.
Wasaaradda Maaliyaddu waxay mar walba u taagan tahay in ay si daah-furan oo hufan uga shaqeyso howlaha miisaaniyadda, iyadoo dhiirrigelinaysa wada-tashi joogto ah oo lala yeesho bulshada Puntland.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland