Wasaaradaha Maaliyadda,Arrimaha Gudaha iyo Ganacsiga oo Shir ku yeeshay xarunta Maaliyadda ee Garoowe[Sawirro+Muuqaal]
GAROOWE – Waxaa magaalada Garowe ka dhacay kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen masuuliyiin ka kala socday Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyo Wasaaradda Ganacsiga ee Puntland.
Mas’uuliyiinta Kulankan ka qaybgalay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Agaasimayaasha Guud ee Sadexdan Wasaaradood.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray kala qeexidda iyo kala saarista canshuuraha ay qaadaan dowladaha hoose iyo kuwa dowladda dhexe, si looga fogaado is-buurasho, isla markaana loo helo nidaam canshuureed oo hufan oo cadaalad ah.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in la xalliyo caqabadaha ka dhasha is dhex galka canshuuraha, iyadoo la caddeynayo cidda ay gaar u tahay qaadista noocyada kala duwan ee canshuuraha ganacsiga, adeegyada, iyo hantida.
Waxaa sidoo kale la isla gartay in la dhiso guddi farsamo oo ka soo shaqeeya habraac cad oo ay ku qeexan yihiin waajibaadka canshuureed ee dowladda dhexe iyo dawladaha hoose.
Ugu dambayn, kulanka ayaa loo arkaa mid muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha Puntland iyo hagaajinta kalsoonida shacabka ee nidaamka canshuur ururinta, Waxaana lagu ballamay in kulamo dheeraad ah la yeesho si loo dhamaystiro qorshaha kala saarista canshuuraha.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland


GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo ay weheliyaan Ku-simaha Xisaabiyaha guud ee Dawlada Puntland, ahna Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud Mudane Caali Jaamac Gaashaan Iyo Agaasime Ku-xigeenka guud ee Dakhliga Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa gudoomiyey kulanka billaha ee kala war-qaadashada Xisaabiyeyaasha gobalada Iyo madaxda sare ee Wasaaradda Maaliyadda.
Xisabiyeyaasha gobalada ayaa madaxda sare ee Wasaaradda usoo bandhigay talaabooyinka ay qadeen Iyo wax yaabaha u qabsoomay ee ay
Wasiirka WasaaraddaMaaliyadda mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo Kulanka Soo xiray ayaa Xisaabiyeyaasha gobalada ku aamanay dadaalka shaqo ee muuqda, wuxuuna ugu baaqay inay sii xoojiyaan dadaalka ayna u kala war qaadan doonaan si bille ah si Loo ogaado hadba wixii qabsoomay.
BOOSAASO – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa shir gudoomiyey kulan looga hadlay hormarinta shaqada iyo dardargelinta dakhlig gobolka.
Baahintii 
GAALKACYO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Faarax Maxamuud, oo safar shaqo ku jooga magaalada Gaalkacyo, ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Mudug, halkaas oo ay ka socdaan dib-u-dhis casri ah oo lagu horumarinayo xafiisyada Wasaaradda.
Baahintii 
BOOSAASO – Xarunta Cashuuraha Berriga waxaa kormeer shaqo ku tagay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle.
Baahintii