Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo la shiray Ganacsatada gobolka Bari(Sawirro)
BOOSAASO – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa caawa shir la yeeshay ganacsatada gobolka Bari.
Shirka waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirudowlaha Wasaaradda Maaliyadda, Wasiir ku-xigeenka Maaamulka Wasaaradda, Agaasime Guud Ku-xigeenka Maamulka, Agaasime Guud Ku-xigeenka Dakhliga, Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Bari, Ganacsatada Gobolka Bari iyo madax kale oo ka tirsan Wasaaradda.
Kulan kan ayaa qayb ka ah shirkii xalay kaas oo ganacsatadu codsadeen si loo helo faham guud oo ku saabsan cashuurta GST oo qaadisteeda ay wado Wasaaradda Maaliyaddu.
Intii uu shirku socday waxaa la is weydiiyay su’aalo guud oo ku saabsan fahamka cashuurta GST taasi oo mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyaddu faham xoogan ka siiyeen Ganacsatada Gobolka Bari.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Farax Maxamuud ayaa u mahadceliyay ganacsatada sida ay u muujiyeen rabitaankooda fahamka guud isaga oo ku dhiirrigeliyay in ay sii xoojiyan bixinta canshuuraha ku waajibay ganacsigooda.
Ugu dambeyntii kulan ayaa ku soo dhamaaday isfaham waxaana la sameeyey guddi farsamo oo ka kooban Wasaaradda Maaliyadda iyo ganacsatada waxana ka wada shaqayn doonaan hormarinta canshuuraha.
Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

































































Baahintii














































Baahintii
GAROOWE – Golaha Baarlamaanka Dawladda Puntland ayaa maanta ansixiyay Qabyo-qoraalka Miisaaniyadda Sanadeedka 2026,




















