IMG_7540

Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Tababar u furay qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiir ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Mudane Axmed Maxamed Bulxan, ayaa maanta si rasmi ah u furay tababar loo qabtay qaybo ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda laguna qabtay xarunta dhexe.

Furitaanka tababarka waxaa Wasiirka ku weheliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle; Agaasime Guud Ku-xigeenka Maamulka, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cigaal; Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Tababarada, Mudane Cabdulqaadir Cali Ismaaciil; iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Ujeeddada tababarkan ayaa ah in kor loo qaado aqoonta, xirfadda, hufnaanta iyo waxqabadka shaqaalaha Wasaaradda, iyadoo lagu tababarayo mowduucyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Xeerka Shaqada, Siyaasadda Anshaxa Shaqaalaha, Doorka Shaqaalaha ee Horumarinta Shaqada iyo Hay’adda, iyo Maaraynta Maaliyadda Dalka.

Tababaradan waxaa soo diyaariyey khubaro iyo tababar-bixiyeyaal si gaar ah loo xulay, kana tirsan madaxda iyo saraakiisha Wasaaradda Maaliyadda.

Qaybta koowaad ee tababarka ayaa socon doonta muddo lix maalmood ah, waxaana ka faa’iidaysan doona 50 shaqaale ah oo ka kala tirsan Waaxyaha Maamulka, Dakhliga iyo Xisaabaadka ee Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Nugaal.

Sidoo kale, qaybta labaad ee tababarka waxaa la gaarsiin doonaa guud ahaan xafiisyada heer gobol ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, si loo xoojiyo aqoonta shaqaalaha, korna loogu qaado tayada adeegyada maaliyadeed ee bulshada loo hayo.

Wasiir ku-xigeenka Dakhliga iyo Agaasinka Guud ee Wasaaradda ayaa kula dardaarmay shaqaalaha loo xulay tababarka in ay si dhab ah uga faa’iidaystaan aqoonta iyo xirfadaha la siinayo, isla markaana ay ku dabaqaan shaqooyinka ay qaranka u hayaan.

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland waxay sii wadi doontaa dadaallada lagu horumarinayo kartida shaqaalaha, hufnaanta shaqo, isla-xisaabtanka iyo adeeg-bixinta dowladeed ee tayo leh.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More
IMG_7515

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulan looga hadlay Dardargelinta Dakhliga[Sawirro]

GAROOWE– Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlay dardargelinta dakhliga Dowladda.

Shirka waxaa qeyb ka ah Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda, Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga,

Agaasimaha Guud ee Wasaradda, Agaasime Guud Ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimayaasha waaxyaha,

Xisaabiyayaasha Gobollada Raasi-casayr iyo Nugaal iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan qeybaha dakhliga ee Wasaaradda.

Madaxda Dakhliga ayaa Wasiirka la wadaagay warbixin ku aadan heerka dakhli ee sanadkii  2025–2026, canshuur dhaafka la sameeyay, dakhliga baaqday, ilaha u baahan dib u kicin iyo sidii loo xoojin lahaa guud ahaan dakhliga dalka.

Ugu dambeyn, shirka ayaa la isla qaatay in la sii joogteeyo shirarka noocan oo kale ah si loo xoojiyo howlaha dakhliga Dowladda.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More
IMG_7475

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir la qaatay Madaxxa Dakhliga Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa shir guddoomiyay kulan uu la qaatay Madxda Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda.

Kullankan ayaa ka dhacay xarunta dhexe waxaana ka soo qeyb galay Wasiirku Xigeenka dakhliga, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasime Guud Ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimaha waaxda Canshuuraha Berriga iyo Mas’uulyiin kale.

Kulankan ayaa ahaa kala warqadasho guud oo ku aadan Shaqada Wasaaradda iyo sidii loo dardargeliyo Cashuuraha Beriga.

Madxda Dakhliga ayaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda la wadaagay qorshayaal lagu xoojinayo dardargelinta dakhliga gaar ahaan cashuuraha berriga.

Ugu dambeyntii kulankan ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad miro-dhal ah waxaana loo balamay in la xoojiyo kor u qaadista dakhliga Guud ee dalka.

Baahintii

Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Read More