
Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulan looga hadlay Dardargelinta Dakhliga[Sawirro]
GAROOWE– Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlay dardargelinta dakhliga Dowladda.
Shirka waxaa qeyb ka ah Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda, Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga,
Agaasimaha Guud ee Wasaradda, Agaasime Guud Ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimayaasha waaxyaha,
Xisaabiyayaasha Gobollada Raasi-casayr iyo Nugaal iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan qeybaha dakhliga ee Wasaaradda.
Madaxda Dakhliga ayaa Wasiirka la wadaagay warbixin ku aadan heerka dakhli ee sanadkii 2025–2026, canshuur dhaafka la sameeyay, dakhliga baaqday, ilaha u baahan dib u kicin iyo sidii loo xoojin lahaa guud ahaan dakhliga dalka.
Ugu dambeyn, shirka ayaa la isla qaatay in la sii joogteeyo shirarka noocan oo kale ah si loo xoojiyo howlaha dakhliga Dowladda.
Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland
























![Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir la qaatay Madaxxa Dakhliga Wasaaradda[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2026/05/IMG_7475-150x150.jpeg)
![Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Tababar u furay qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2026/05/IMG_7540-150x150.jpeg)

