09079e5d-fee5-41bc-b9fa-52497ec3c844

Wasaaradda Maaliyadda oo soo bandhigtey waxqabadkii 2015 [Sawirro]

09079e5d-fee5-41bc-b9fa-52497ec3c844Khudbadii Wasiirka Maaliyadda Puntland Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed

Mudane Madaxweyne,

Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa Warbixin ku saabsan Wax-qabadka W/Maaliyadda mudada 6-da bilood ah oo aan hayo Xilka Wasaaradda Maaliyadda iyo hawlihii la qabtey 6-dii bilood ee iga horeeyay oo u qabsoomay Wasaaradda. Wasaaraddu waxay ku dhaqaaqday in ay hirgeliso Qorshe Sanadeedkii ay hordhigtay Gollaha Xukuumadda December 2014, qorshahaas oo intiisa badan u qabsoomay sidii loogu talagalay, marka laga reebo lacagihii laga filayey Bankiga Aduunka.

Md Madaxweyne,

Wasaaradda Maaliyadda oo ka duulaysa hal ku dhigeedan hoos ku qoran:

1. Kordhinta Dakhiga
2. Beekhaaminta Kharashka
3. Ku-dhaqanka Miisaaniyadda
4. La-dagalanka musuq-maasuqa iyo
5. Ka-qayb qadashada Masharicda Hormarineed ee Dawladda

Waxay Wasaaraddu qaadatay in ay hirgeliso 5-ta qodob ee kor ku xusan, kuwaas oo aan aamin-sanahay hadii aan gacan ka heli-lahayn Hayadaha Dawladda hirgelintooda in ay wax weyn ka bedeli kareen hanaan u socodka Miisaaniyadda Dawladda, kordhinta Dakhiga guud ahaan iyo tayeynta hawlaha ballaran oo ay Wasaaraddu u xilsaaran tahay.

Md Madaxweyne,

Sida aad la wada socotaan, waxaa aad u kala miisaan weyn baaxadda Dawladnimadeena iyo dhaqaalaha ina soo gala, taasoo marar badan keenta in ay suurto-geli weydo in la daboolo dhammaan Madaxyada Kharash ee ku qoran Miisaaniyadda Dawladda. Sidaas darteed, waxaan mar walba noo qorsheysan in aan ku dadaalno bixinta Kharashyada sida ay u kala leeyihiin mudnaanta, waxaana Wasaaraddu arrintaas kala kulantaa dhibaatooyin badan, sida ay u kala maareyn lahayd bixinta Kharashyada Xaaladdaha adag sida:

1. Suggidda Amniga Guud
2. Xallinta Xaaladaha Dagaal ee Beelaha
3. Martigelinta iyo soo dhaweynta Wufuudaha
4. Ka-qayb qadashada Mashaariicda Hormarineed iyo Dhismayaasha Dawladda

Xaaladahaas oo dhammaantood ay ku baxaan Kharashyo aad u farabadan oo aan ugu jirin ku-talagalka Madaxyada Miisaaniyadda qoondo dabooli karta, taasoo mararka qaarkood sababta dib u dhaca Mushaharka iyo Hawlsocodsiinta Dawladda.

Waxaa hadda nasiib wanaag ah in Wasaaraddu ay dadaal dheer u gashay bixinta Mushaharooyinka, Gunooyinka, Raashimada Ciidamada iyo Adeegyada, kuwaas oo intooda badan la bixiyey, inkastoo ay jireen caqabado ina soo wajahay oo ay ka mid ahaayeen Dabaylo
dhacay iyo iska hor’imaadkii Galkacyo, kuwaas oo hakiyey bixintii Mushaharooyinka socoday bilaha November iyo December 2015.

Wabilahi towfiiq