Agaasimaha Guud ee Maaliyadda Dowladda Puntland oo shir Guddoomiyay kulanka Khamiislaha ah ee Horumarinta shaqada Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE - Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jawle ayaa Shir Guddoomiyey kulanka khamiis la ah ee horumarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda Puntland. Ujeedka kulankan ayaa ahaa dar-dargelinta shaqada iyo isla xisaabtanka, waxana ka soo qaybgalay Agaasimayaasha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland. Shirkaan ayaa si qoto dheer looga hadlay guulahii safaradii gobolada ee madaxda Wasaaraddu ay ku tageen kaasi oo qayb wayn ka ahaa kicinta cashuuraha berriga. Sidoo kale kulanka ayaa lagu boggaadiyey hirgelinta Nidaamka Furdooyinka ee loo guuray habka computerized ah oo u gaar ah Dowladda Puntland loona yaqaan (PUNTCAS) kadib markii Dowladda Puntland joojisay Nidaamkij (SOMSAT) Dowladda federaalka iyo Dowladda Puntland wada adeegsan jireen. Shirkan ayaa ku soo dhammaaday si guul, waxaana loo balamay in todobaadka dambe shaqada Wasaaradda horumar laga sameeyo. Baahintii Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland