Magaaladda Boosaaso ayaa maanta kulan ballaaran oo ay ku yeesheen Wasaarada Maaliyada Puntland iyo qaar kamid ah ganacsatada Spare Parts isku afgarteen in khidmad Cashuureed laga qaado macaamiisha wax ka iibsaneysa. Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland Mudane Axmed Yaasiin Saalax iyo qaar kamid ah Saraakiisha Cashuuraha beriga Wasaarada ayaa kulankaas qodobadii looga hadlay isku afgarteen dhaqangelintiisa. […]
Waxaa munaasibad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Jaamacadda Boosaas-Garowe Ardaydii ay dagaaladu ka hakiyeen Waxbarashadoodii ee katimid dalka Suudaan kuwaas oo Waxbarashadooda loogu dhameystirayo Jaamacadda Boosaaso Garowe, waana qeybtii ugu horaysay oo ah Arday katimaada wadamo kala duwan Jaamacadda Boosaaso ayaa noqonaysa Jaamacaddii ugu horaysay oo Waxbarasho dalka gudihiisa kusiisa Ardaydan, iyadoo kaashanaysa Jaamacadda #NAHDA […]