DIB U HABEYNTA CIIDAMADA DPL (Security Reform)

Iyadoo laga dhabeynayo lana fulinayo, balanqaadkii Xukuumada DPL oo uu hogaaminayo Madaxweynaha DPL, waxaa madaxweynuhu Magcaabay Gudi dib u habeyn iyo tirokoob ku sameeya Ciidamada kala duwan ee DPL.

Gudiga oo uu gudoomiye u ahaa Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, ayaa bilaabay hawlgal lagu tayeynayo, laguna tirokoobayo ciidamada DPL ee Dhamaan Gobolada Nugaal, Karkaar, Sanaag, Bari, Mudug, Sool, Ceyn iyo Gardafuu.

Ciidamada oo loo furay Tababaro, isla markaana la marsiiyey Tirokoob iyo Diiwaan-gelin casri ah (Bio metric Registration), Ujeedka laga leeyahay waa in la helo ciidan tayo leh, isla markaana la yaqaan tiradooda, si loo siiyo Xaquuqda ay leeyihiin sida Mushaharka iwm.