Wafti uu hoggaaminayo Agaasime Kuxigeenka Dakhliga W/Maaliyadda oo Kormeer ku tagay Kastamka Sool[Sawirro]

SOOL – Waftigaan uu hogaaminayey Agaasime kuxigeenka Guud ee Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Abshir Maxamed Abshir ayaa kormeer ku tagay Kastamka deegaanka Faliryaale ee gobolka Sool, halkaas oo ay ka socotay shaqo ku aadan U adeegidda Shacabka Iyo gaadiidleyda oo xiligaas ku sugnaa Kastamka .

Wafdiga ayaa waxaa ka qayb ahaa Agaasimaha Waaxda kastamyada ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland ,Maamulaha Dekadda Boosaaso iyo qaar kamid ah howlwadeenada Wasaaradda Maaliyadda ee ka howlgala Kastamyada iyo Garoomada Puntland.

Mas’uuliyiintan Kormeeray Kastamka gobolka Sool ayaa Inta ay ku sugnaayeen Kastamka, waxa ay kulamo la qaateen maamulka goob Canshuureedka Sool, waxayna kormeereen Xafiisyada ayagoo u kuurgalayey shaqada socotay xiligaas oo ay joogeen gaadiid badan oo kastamka ku sugnaa .

Kormeerka ka dib ayaa waxa Warbaahinta Dawladda Puntland la hadlay, Maamulaha Kastamka Gobolka Sool Jamaal Cabdullahi Cabdi, wuxuuna ka warbixiyey Kormeerka Waftiga iyo sida ay u socoto Shaqada kastamka .


Baahintii 

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta 

Wasaaradda Maaliyadda 

Dawladda Puntland