Wasaaradaha Maaliyadda,Arrimaha Gudaha iyo Ganacsiga oo Shir ku yeeshay xarunta Maaliyadda ee Garoowe[Sawirro+Muuqaal]
GAROOWE – Waxaa magaalada Garowe ka dhacay kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen masuuliyiin ka kala socday Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyo Wasaaradda Ganacsiga ee Puntland.
Mas’uuliyiinta Kulankan ka qaybgalay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Agaasimayaasha Guud ee Sadexdan Wasaaradood.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray kala qeexidda iyo kala saarista canshuuraha ay qaadaan dowladaha hoose iyo kuwa dowladda dhexe, si looga fogaado is-buurasho, isla markaana loo helo nidaam canshuureed oo hufan oo cadaalad ah.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in la xalliyo caqabadaha ka dhasha is dhex galka canshuuraha, iyadoo la caddeynayo cidda ay gaar u tahay qaadista noocyada kala duwan ee canshuuraha ganacsiga, adeegyada, iyo hantida.
Waxaa sidoo kale la isla gartay in la dhiso guddi farsamo oo ka soo shaqeeya habraac cad oo ay ku qeexan yihiin waajibaadka canshuureed ee dowladda dhexe iyo dawladaha hoose.
Ugu dambayn, kulanka ayaa loo arkaa mid muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha Puntland iyo hagaajinta kalsoonida shacabka ee nidaamka canshuur ururinta, Waxaana lagu ballamay in kulamo dheeraad ah la yeesho si loo dhamaystiro qorshaha kala saarista canshuuraha.
 Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland