Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo go’aano kasoo saartay lacagta Shillin Soomaaliga(Wareegto)

GAROOWE – Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa soo saartay go’aan lagu xakamaynaayo lacagaha laysaga safriyo Gobolada kala duwan ee Puntland.

Wasiir kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cabdi Ibraahim Warsame “Qawdhan” warqad qoraal ah oo ka soo baxaday Xafiiskiisa Dakhliga ayaa amar lagu siiyay baraha kantarool ee Puntland.

  1. In uusan u kala gudbi karin gaadiid wada lacag Sh.s gobolada kale.
  2. In la baaro gaadiidka lana hubiyo badeecadda iyo wax kasta oo ay sidaan.
  3. In gaarigii lagu qabto Sh.so, lagu soo xareeyo saldhigga amniga ugu dhow si loo mariyo sharciga.

Qoraalkan ka soo baxay Xafiiska Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda ayaa qayb ka ah tallooyinkii Guddigii dhowaan loo saaray ka tala bixinta saraifka lacagaha.

Baahintii

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland