Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo la kulmay madaxda Hay’adda Qanadaraasyadda Puntland(Sawirro)

GAROOWE – Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa kulan la qaatay madaxda hay’adda qandaraasyadda Puntland.

Wasiirka kulankan waxaa ku weheliyay
Ku-simaha Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda ahna Agaasime guud ku xigeenka Keenadiid Cali Jaamac iyo khabiiro kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay sidii si wada jir ah loogu xalin lahaa caqabadaha jira iyo sida looga gudbi karo. Waxaana Madaxda Wasaaraddu dhagaysteen caqabadah hay’adda.

Qodobada sida wayn laysu dultaagay waxaa ka mid ahaa

  1. Caqabadaha ugu weyn ee gaabiska ka dhigay hay’adda
  2. Xeerka hay’adda iibka oo lagu shaqayn lahaa oo aan gaarsiisnayn inuu kala qeexayo shaqada hay’adda iyo hay’addaha kale, islamarkaana qeexaynin sidii loola jaanqaadi lahaa deeq bixiyayaasha.

Intii kulanku socday Madaxda hay’adda
Qandaraasyaddu waxa ay soo bandhigeen in uu hada diyaar yahay sharci draft oo lagu gaari karo himilooyinka iibka waxayna soo jeediyeen in sharcigaa dood iyo lafagur lagu sameeyo lana gaarsiiyo ilaa heer gole Wasiir iyo Barlamaan.

Ugu damayn kulankaasi markii uu soo Afmeermay ayaa loo balamay kulamo dambe in laysugu yimaado iyo in ay muhiimtahay wada shaqaynta hay’adda iyo Wasaaradda
Maaliyaddu.

Baahintii

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland