Wasiir Kuxigeenka Maamulka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shahaadooyin Guddoonsiiyay qayb kamid ah Shaqaaha Wasaaradda[Sawirro]
GAROOWE – Wasiirku xigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda ahna kusimaha Wasiirka Mudane Eng Cabdulaahi ismaacil Maxamed ayaa shahaadooyin gudoonsiiyey qaybo ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda oo tababar u soo dhamaaday.
Wasiirka waxaa ku weheliyey Agaasimaha waaxda Qorsheynta iyo Tababarada Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdulqaadir Cali Ismaaciil.
Tababarkan oo ahaa labo maalmood waxaa ka faa’ideystay Shaqaale ka badan 50 gacantana kuhaya shaqooyinka joogtada ah ee xafiisyada Wasaaradda Maaliyadda gaar ahaan Xarunta dhexe.
Ugu dambayn Wasiirka ayaa shaqaalaha tababarka loo soo xiray kula dardaarmay aqoonta ay barteen in ay uga faa’ideeyaan Shaqaalaha kale ee ay kawada shaqeeyaan xafiisyada ay ka tirsan yihiin ee Wasaaradda Maaliyadda.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland