Wasiir Kuxigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Tababar u furay Shaqaalaha Xoghaymaha Xafiisyadda[Sawirro]
GAROOWE –Â Wasiirku xigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda ahna kusimaha Wasiirka Mudane Eng Cabdulaahi ismaacil Maxamed uuna weheliyo Agasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa tababar u furay shaqaalaha xog-haymaha Xafiisyada Wasaaradda Maaliyadda.
Daah-furka tababarkan waxaa ka qaybgalay Agaasimaha waaxda Qorsheynta iyo Tababarada Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdulqaadir Cali Ismaaciil iyo mas’uuliyiin kale.
Shaqaalaha tababarka loo qabtay ayaa gacanta ku haya shaqooyinka joogtada ah ee xafiisyada Wasaaradda Maaliyadda ee xarunta dhexe waxana ay tababarkan ku qaadan doonaan aqoon la xiriirta shaqooyin kooda ayna ka midyihiin
– Xoojinta wada shaqaynta
– Xirfada diyaarinta warbixinada shaqo ee kala duwan
– Hannaanka ilaalinta xogta shaqo
– Diyaarinta qorshayaasha shaqo ee kala duwan
Iyo Qiimaynta wax qabadka shaqaalaha.
Tababarkan waxaa bixinayey lataliyaha xafiiska Shaqada & Shaqalaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdirisaaq Jaamac Siciid waxaana soo qaban qaabiyey Xafiiska Shaqada iyo Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.
Wasiirka ayaa shaqaalaha tababarka ka soo qayb kulay kula dardaarmay in ay ka faa’ideystaan aqoonta la barayo loona baahan yahay in ay ka muuqato xafiiyada ay ka hawl galaan waxana uu wasiirku xusay in tababarada shaqaalaha ay gaari doonaan Gobolada kale.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland