Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Horumarinta Shaqada[Sawirro]
GAROOWE- Wasiir Ku-xigeenka Maaamulka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlay horumarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda.
Kulanka waxaa ka soo qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Ku-simaha Xisaabiyaha Guud ahan Ku-xigeenka, Agaasimaha Guud Ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimaha Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda, Agaasimeyaasha waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda iyo madax qaybteeda.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda
ayaa warbixin dhammaystiran oo ay soo diyaariyeen Agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda la wadaagay Wasiirku xigeenka Maamulka.
Wasiirka ayaa bogaadiyey habsami u socodka shaqada Wasaaradda Maaliyadda waxana uu faray in la muujiyo dadaal dheer ah oo ku aadan dhanka shaqada.
Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland