Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda oo howlo shaqo ku tagay Nairobi-Kenya[Sawirro]

 
 
Waftiga oo ka kooban Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Mudane Mohamed Said Faroole, wasiiru Dowlaha Madaxtoyada Mudane Cabdifitaax Cabdinuur iyo Wasiirka Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa shirar la qaatay: Safiirada Sweden, Denmark, kuxigeenka Safiirka Jarmalka, masuuliyiin ka socda barnaamijyada horumarinta, xasilinta iyo arrimaha bini’aadanimada ee Denmark, Norway, Jarmalka iyo FCDO UK sidoo kale masuuliyiin ka socota mashruuca RCRF ee Bangiga Adduunka iyo hay’adda GIZ.
Shirarka ayaa diiradda lagu saaray
1. Arrimaha bini’adantinimo iyo xasilinta Gobolka Sool
2. Mashaariicda horumarinta, gaar ahaan JPLG,
mashaariicda adeegyada aasaasiga ah (caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo adeegga cadaaladda iyo amniga), doorashada hal cod iyo hal qof ee Puntland, casriyeynta hannaanka Maaliyadda iyo kastamyada Puntland, Mashruuca horumarinta Booliska ee JPP iyo guud ahaan horumainta dhaqaalaha.
3. Arrimaha Federaalka iyo barnaamijka Deyn cafiska Soomaaliya.
Shirarka ayaa ku soo dhammaaday guul.
 
 
 
 
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland