Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer Shaqo ku tagay Dhismayaasha la wado ay leedahay Wasaaraddu [Sawirro]
BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tegey dhismayaal casri ah oo ay leedahay Wasaaradda Maaliyadda laguna dhisaayo hab isku tashi ah lagana hirgelinaayo Boosaaso.
Goobaha shaqadu ka ka socotay ee Wasiirku booqday waxaa ka mid ah Xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo kastamka Wasaaraddu ku leedahay garoonka diyaaradaha ee Boosaaso.
Kormeerkan Wasiirka waxaa ku weheliyey Maamulaha Furdooyinka Gobalka Bari, Maamulaha kastamka Garoonka, Maamulaha Cashuuraha beriga Gobolka Bari iyo mas’uuliyiin kale oo ka tiran Wasaaradda Maaliyadda.
Mas’uuliyiinta Shirkadaha GONDAGOYE iyo HANTAARA ee wada dhismayaashan ayaa Wasiirka la wadaagay halka ay marayaan shaqoyinka socda iyo macluumaad dheeri ah.
Maxamed Faarax Maxamuud oo halkaasi ka hadlay ayaa ka hadlay hirgilinta xarumahan casriga ah ee loo dhisyaaso Wasaaradda Maaliyadda qaybteeda Gobolka Bari.
“Dhismaha Xarumahan Wasaaradda Maaliyadda iyo Xarumo kaleba waxaan ku dhisnay Cashuurta Shacabka Puntland laga qaado, waana shacab markastaba garab taagan Dowladdooda si dalka loo hormariyo” Wasiirka Wasaaradda Maxamed Faarax Maxamuud
Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland