
Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Xariga ka Jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda gobolka Mudug(Sawirro)
GAALKACYO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Mudug.
Munaasabadda xarig-jarka waxaa soo qabanqaabiyey Xafiiska Xisaabiyaha Gobolka Mudug, oo uu hoggaamiyo Mudane Ismaaciil Cabdinuur Geesay, kaas oo faahfaahin ka bixiyey habka loo dhisay xarunta cusub, baahiyaha jira iyo sida dhismahan casriga ahi u kordhinayo tayada adeegyada Wasaaradda. Waxa uu uga mahadceliyay Wasiirka Maaliyadda sida uu u garab istaagay hirgelinta mashruucan muhiimka ah.
Munaasabadda xarig-jarka waxaa ka soo qaybgalay Gudoomiyaasha Gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug, Gudoomiyasha Degmada Gaalkacyo ee Puntland iyo Galmudug, masuuliyiinta Garsoorka,masuuliyiinta Dowladda Puntland ee gobolka, Nabadoonada iyo Ururka haweenka
Madaxda ka hadlay munaasabadda furitaanka, ayaa si weyn u bogaadiyey Wasaaradda Maaliyadda doorka muhiimka ah iyo shaqada ay ka hayso horumarinta dakhliga iyo maamulka Maaliyadda.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa dhankiisa ku ammaanay madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda dadaalka ay muujiyeen, isagoo xusay in horumarka la gaadhay uu yahay mid ku imanaya wada-shaqayn, isla xisaabtan iyo maamulka hufan. Wasiirku wuxuu adkeeyey in aan wax horumar ahi suurtagal noqon karin la’aanta nidaam maamul iyo shaqo wadajir ah, sigaara Wasiirku wuxuu ugu mahadceliyay Xisaabiyaha Gobolka Mudug Ismaaciil C/nuur Geesey uu ku tilmaamay masuul hawlkar ah Wasaaraddana kusoo kordhiyay hormar balaaran.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ay ka go’an tahay hirgelinta dhismaha hay’adaha Dowladda taas oo qayb ka ah siyaasadda guud ee Madaxweynaha ee lagu horumarinayo adeeggada dowliga ah.
Ugu dambayntii, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa tilmaamay in Wasaaraddu ay wado mashaariic dhisme oo kale duwan oo ka socda xarumo kala duwan oo Wasaaradda ah iyadoo horay u hirgelisay dhismayaal kale oo muhiim u ah shaqada Wasaaradda.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Xisaabiyaha Gobolka ayaa bilad sharaf gudoonsiiyay Shirkadda Tawer oo hirgalisay dhismahaan.
Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland






























