Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland oo xilalka u kala Wareejiyay Wasiirkii hore iyo Wasiirka cusub ee Maaliyadda Puntland[Sawirro]

GAROOWE – Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ay weheliyaan Wasiir kuxigeenada iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, waxaana xilka lagu wareejiyey Wasiirada cusub ee Wasaaradda oo u hoggaaminayo Wasiir Maxamed Faarax Maxamud. Xafladda waxaa goob-joog ka ahaa Agaasimaha Guud […]

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo u Hambalyeeyay madaxda cusub ee Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa u hambalyeeyey Wasiirada Wasaaradda Maaliyadda ee xilka loo dhaariyey. Mudane Axmed Jaamac Jowle Agaasimaha Guud oo ku hadlay afka Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda ayaa sheegay in ay Madaxda cusub ku soo dhoweynayaan Wasaaradda ilaahayna uga baryayaan in xilka loo igmaday uu […]

Madaxda cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo maanta loo dhaariyay xilka Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud, Wasiir Kuxigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Eng Cabdulaahi Ismaaciil Maxamed, Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Maxamed Bulxan iyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamuud Shiikh Ciid ayaa loo dhaariyay xilka Wasaradda Maaliyadda. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Dani ayaa goob joog ka […]