Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland oo xilalka u kala Wareejiyay Wasiirkii hore iyo Wasiirka cusub ee Maaliyadda Puntland[Sawirro]

GAROOWE – Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ay weheliyaan Wasiir kuxigeenada iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, waxaana xilka lagu wareejiyey Wasiirada cusub ee Wasaaradda oo u hoggaaminayo Wasiir Maxamed Faarax Maxamud.

Xafladda waxaa goob-joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Gudigga qabanqaabada Xil wareejinta, Xildhibaano ka tirsan Golaha wakiiladda, madaxda iyo qayb ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa soo jeediyey xogta Wasaaradda iyo waxqabadkii Wasaaradda Maaliyadda muddadii uu hoggaaminayey Wasiirkii hore Mudane Dhabancad, wuxuu sidoo kale soo dhaweeyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud.

Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirkii hore ee Maaliyadda ayaa ka hadlay wixii u qabsoomay Wasaaradda mudadii uu xilka hayey, waxaana uu u mahadceliyey Madaxdii iyo shaqaalihii mudada la soo shaqaynayey, Wasiirka cusubna wuxuu u rajeeyey shaqo wanaagsan.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa Wasiirkii hore uga mahad celiyey sida uu uga shaqeeyey Wasaaradda, waxaana uu sheegay in uu shaqada Wasaaradda halkeeda ka sii wadi doono.

Ugu dambayn, Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa Wasiirkii hore ku ammaanay hufnaan iyo hawl karnimo, Wasiirka cusubna u rajeeyey in uu guto waajibaadkiisa shaqo.

Madaxweynaha ayaa shaqaalaha iyo madaxda u sheegay in Dowladdu ku tiirsan tahay dakhliga ay Wasaaradda Maaliyaddu soo saarto.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland