1 (23)

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo kulan la qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo ay weheliyaan Wasiiru dowlaha iyo Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda Maaliyadda ayaa maanta kulan la qaatay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasime ku-xigeenada guud, xisaabiye ku-xigeenka guud, Agaasime waaxeedada iyo Xisaabiyayaasha gobaladda.

Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd isbarasho ayaa la isku waydaarsaday sidii loo horumarin karo habsami u socodka shaqada, gaar ahaan dardar gelinta dakhliga Dowladda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyada Mudane Axmed Jaamac Jowle oo ugu horayn Wasiirka warbixin ka siiyey habsami u socodka shaqada ayaa sheegay in wax weyn ay wasaaradda u qabsoomeen bilihii u danbeeyey, sanadkana ay u degan yihiin qorshalayaal lagu horumarinayo doorka Wasaaradda siiba kor u qaadista dakhliga.

Dhanka kale Agaasime waxeedada iyo Xisaabiyayaasha gobalada ayaa Wasiirka uga warbixiyey dadaalada shaqo ee ka socda gobaladda kala duwan iyo hiigsiga kor loogu qaadaayo dakhliga Dowladda.

Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Puntland Maxamed Faarax Maxamuud oo shirka soo xiray ayaa dhammaan mas’uuliyiinta Wasaaradda ugu baaqay in ay muujiyaan dadaal dheeri ah qof walbana mas’uuliyada dheeri ah iska saaro sidii kor loogu qaadi lahaa dakhliga Dowladda, si ay Dowladdu ugu filnaato bixinta xaquuqaha kala duwan, ugana shaqayn lahayd horumarinta dalka.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (43)

Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland oo xilalka u kala Wareejiyay Wasiirkii hore iyo Wasiirka cusub ee Maaliyadda Puntland[Sawirro]

GAROOWE – Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ay weheliyaan Wasiir kuxigeenada iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, waxaana xilka lagu wareejiyey Wasiirada cusub ee Wasaaradda oo u hoggaaminayo Wasiir Maxamed Faarax Maxamud.

Xafladda waxaa goob-joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Gudigga qabanqaabada Xil wareejinta, Xildhibaano ka tirsan Golaha wakiiladda, madaxda iyo qayb ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa soo jeediyey xogta Wasaaradda iyo waxqabadkii Wasaaradda Maaliyadda muddadii uu hoggaaminayey Wasiirkii hore Mudane Dhabancad, wuxuu sidoo kale soo dhaweeyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud.

Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirkii hore ee Maaliyadda ayaa ka hadlay wixii u qabsoomay Wasaaradda mudadii uu xilka hayey, waxaana uu u mahadceliyey Madaxdii iyo shaqaalihii mudada la soo shaqaynayey, Wasiirka cusubna wuxuu u rajeeyey shaqo wanaagsan.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa Wasiirkii hore uga mahad celiyey sida uu uga shaqeeyey Wasaaradda, waxaana uu sheegay in uu shaqada Wasaaradda halkeeda ka sii wadi doono.

Ugu dambayn, Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa Wasiirkii hore ku ammaanay hufnaan iyo hawl karnimo, Wasiirka cusubna u rajeeyey in uu guto waajibaadkiisa shaqo.

Madaxweynaha ayaa shaqaalaha iyo madaxda u sheegay in Dowladdu ku tiirsan tahay dakhliga ay Wasaaradda Maaliyaddu soo saarto.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
432237006_805381241615180_7265829885835366560_n

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo u Hambalyeeyay madaxda cusub ee Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa u hambalyeeyey Wasiirada Wasaaradda Maaliyadda ee xilka loo dhaariyey.

Mudane Axmed Jaamac Jowle Agaasimaha Guud oo ku hadlay afka Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda ayaa sheegay in ay Madaxda cusub ku soo dhoweynayaan Wasaaradda ilaahayna uga baryayaan in xilka loo igmaday uu u fududeeyo.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
432214613_805363998283571_5346137645840708680_n

Madaxda cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo maanta loo dhaariyay xilka Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud, Wasiir Kuxigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Eng Cabdulaahi Ismaaciil Maxamed, Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Maxamed Bulxan iyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamuud Shiikh Ciid ayaa loo dhaariyay xilka Wasaradda Maaliyadda.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Dani ayaa goob joog ka ahaa dhaarinta xubnaha Gollaha Wasiiradda ee xilka loo dhaariyey oo ay ka mid ahaayeen Wasiirada Wasaaradda Maaliyaddu.

Wasiirka iyo Wasiir Kuxigeenada Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa dhowaan la wareegi doona shaqada Xafiisyada Wasaaradda hadii alle idmo.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (5)

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Boggaadiyay Shaqooyinka la qabtay Todobaadkan[Sawirro]

GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa shir guddoomiyey kulanka Toodbaadlaha ah ee horumarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda.

Kulankan ayaa Agaasimayasha Wasaaradda Maaliyaddu waxaa ay ku soo bandhigeen shaqooyinka la qabtay ee guulaha laga gaaray iyo kuwa dhiman ee ay wadaan si loo hirgeliyo.

Intii shirkaasi socday waxaa si wayn looga dooday dardargalinta cashuuraha Berriga ee ay ka mid yihiin Gaadiidka, Guryaha kiraysan, Dhulka, Gaadiidka Hay’adaha u kiraysan iyo Qandaraasyadda, dhammaan cashuuraha ku waajibay ee aan laqaadin sanad kii dhammaaday, lana hirgaliyo sanadkan cusub iyo sidii dakhliga dawlada gaar ahaan cashuuraha Berriga loo kor dhin lahaa.

Axmed Jaamac Jowle Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa boggaadiyey shaqooyinka la qabtay todobaadkan.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (12)

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo kulan la qaatay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa kulan la qaatay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda.

Kulanka ayaa Wasiir Dhabancad wuxuu ku la dardaarmay hawl wadeenada Wasaaradda in ay isku dubba ridaan xil wareejinta si xog dhammeystiran loogu wareejiyo Wasiirka cusub Mudane Maxamed Faarax iyo kuxigeenadiisa.

Intii shirkaasi socdey ayaa la kala qaatay waajibaad la xariira diyaar garowga Xafladda Xil wareejinta.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More